Libraryدستاویزات
Ka jawaabista Su'aalaha Muhiimka ah ee Aadanaha
Ka jawaabista Su'aalaha Muhiimka ah ee Aadanaha Source: IslamHouse.com
کتاب سے
متن کے ابتدائی صفحات۔ مکمل پڑھنے کے لیے اوپر کتاب کھولیں۔
1
3
Ka jawaabista Su'aalaha Muhiimka
ah ee Aadanaha
Islaamku si waadax ah ayuu uga jawaabaya su'aalaha muhiimka ah
ee aadanaha, sida:
Waa maxay runtu?
Yaa ina abuuray?
Ilaah ma jiraa?
Waa kuma Ilaaheena runta ah?
Waa kuma Rasuulkii u dambeeyay ee Ilaahay soo diray?
Yey inagu waajib tahay inaynu caabudno?
Inagu yeynu nahay?
Maxaynu halkan u joognaa?
Miyaynu dhimanaynaa mise ma dhimanayno?
Maxaa dhacaya ka dib marka aynu dhimano?
Sidee bay noqon doontaa nolosha Aakhiro?
Waa maxay bar dhammaadka safarkeenu - ma Jannaa Mise
Cadaab?
Sidee baynu ku hanan karnaa degenaansho maskaxeed oo dhab
ah, guul, iyo farxad xaqiiqi ah?
Sidee baynu ku heli karnaa nolol abadi ah oo aan laga dhimanayn?
Adigoo maskaxdaada iyo qalbigaaga ku haya inaad
ogaato xaqiiqada iyo runta, fadlan qoraalkan akhri
intaas ka dibna adiguba qiyaas oo qiimee.
5
Waa maxay Runtu?
Islaamku wuxuu inoo sheegayaa in Allaah, Ilaaha Kelida ah ee Dhabta
ah uu abuuray guud ahaan makhluuqa. Ilaahan Wayn oo keliya
ayaa abuuray dhammaan Bani Aadanka iyo xayawaanada; dhulka
iyo buuraha, badaha iyo webiyada, dhirta iyo kaymaha; qorraxda
iyo dayaxa, xiddigaha iyo meerayaasha; maalmaha iyo habeenada.
Dhammaan waxyaabaha kale, oo ay ku jiraan kuwa aynu naqaano
iyo kuwa aynaan weli baran, waxay ka qayb yihiin abuurkiisa aan soo
koobnayn.
Ilaahay ayaa abuuray dhammaan nolosha iyo noolayaasha Dhulka kor
saaran, Isaga ayaa abuuray guud ahaan kownka iyo wixii ku guda jira
ee ah waqti, isbees, tamar iyo wixii dhacaya. Illaahay ayaa maamula
kownka iyo wax kasta oo ku guda jira Isaga ayaana xakameeya oo ka
masuul ah wax kasta oo ka dhex dhaca.
Si kastaba ha ahaatee, dadka qaarbaa jiritaankooda u nisbeeya
'nasiib' ama 'dabeecadda'! Innagoo saynis ahaan u hadleyno, aynu
qeexno macnaha DABEECADDA! Waa maxay 'dabeecaddu'?
Ma igu raacsan tahay in dabeecaddu tahay dhirta; meerayaasha,
falag-meerka, iyo xiddigaha; dooxooyinka iyo buuraha; badaha iyo
webiyada; dhulka, qorraxda, dayaxa, xiddigaha, iyo waxyaabaha
kale? Markaas waxyaabahaasi ma iyagaa is abuuray? Ma iyagaa
Bini Aadamka abuuray?
Qur'aanka Sharafta leh ayaa si qurux badan inoogu sheegaya:
"Dadow caabuda Allihiinna, idin abuuray idinka iyo kuwii idinka
horreeyey, waxaadna mudan tihiin inaad dhowrsataan." (2:21)
"Ilaahay ayaa abuuray samooyinka iyo dhulkaba si dhab
ah." (39:5)
"Alle waa kan abuuray habeenka iyo maalinta, qorraxda iyo
dayaxa." (21:33)
تبصرے
ابھی کوئی تبصرہ نہیں۔ سب سے پہلے کوئی مفید بات شیئر کریں۔
متعلقہ
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
islamicmedia.tv
3 views · 5 months ago
عظماء في التاريخ
islamicmedia.tv
1 view · 9 hours ago
من أحكام صلاة المرأة في الحرمين
islamicmedia.tv
1 view · 9 hours ago
البرنامج اليومي للمسلمة في شهر رمضان
islamicmedia.tv
1 view · 9 hours ago
أحكام المرأة في الصلاة دراسة فقهية مقارنة
islamicmedia.tv
1 view · 9 hours ago
توحيد الألوهية أساس الإسلام
islamicmedia.tv
1 view · 9 hours ago
شرح رسالة القواعد الأربع
islamicmedia.tv
1 view · 9 hours ago
توحيد الرب
islamicmedia.tv
1 view · 9 hours ago
شرح خطبة الحاجة
islamicmedia.tv
1 view · 9 hours ago
إِلاَّ لِيَعْبُدُونِ - كيف يوحد القرآن وجهة الإنسان؟
islamicmedia.tv
1 view · 9 hours ago