Libraryدستاویزات
Qur’aanka Kariimka iyo tafsiir sahlan ee macaanadiisa afka Soomaaliga
Qur'aanka Kariimka iyo tafsiir sahlan ee macaanadiisa afka Soomaaligahttps://quranenc.com/ar/browse/somali_yacob By: C. Xasan Yacquub Source: IslamHouse.com · C. Xasan Yacquub
کتاب سے
متن کے ابتدائی صفحات۔ مکمل پڑھنے کے لیے اوپر کتاب کھولیں۔
) 2 (
Waxaa Tarjumay
C. Xasan Yacquub
Saad Suubban
Waxaa laga dalban karaa manshuuraadkeenna:
P.O. Box 33049 Riyadh 11448 Saudi Arabia
Tel No. (00966) 504443610
E.mail: saadsuubban@hotmail.com
) 1 (
J U S K A (1)
Suuradda A1-Faatixah
(Furitaanka)
Waa 7 Aayadood Makkiyah 1
Bismillaahir Raxmaanir Raxiim
1. Ku Billaabasho Magaca Allaah,
ee Naxariis guud,iyo mid gaar ahba
Naxariista
2. Ammaan idilkeed waxaa iska leh
Allaah, Rabbiga Caalamka.
3. Naxariis guud, iyo mid gaar ahba
Naxariista(1).
4. Boqorka Maalinta Abaal Marinta.
5. Adiga oo keliyaan ku caabudnaa,
oo Adiga oo keliyaan ku warsannaa
kaalmo.
6. Nagu Sug Tubta Toosan.
7. Tubta kuwa aad u Nicmaysay(2),
aan aheyn kuwa galabsaday caro
(daada)(3), iyo kuwa iyagu lunsan.
1. Ar-Raxmaan iyo Ar-Raxiim waa labo magac uu leeyahay Allaah ee ka soo jeeda kelmedda Raxmah. Xagga naxwaha afka
carabiga labada magacba waa ku xeel dheeraansho naxariisashada. Waa deeq ballaaran iyo naxariisasho guud ahaaneed
labaduba. Raxmaan waxaa lagu tilmaamaa Allaah oo keliya oo waa sifad aan cid kale la wadaagin, halka Raxiim lagu tilmaami
karo qof gaar ah. Nabiga s.c.w. waxaa uu Qur’aanku ku tilmaamay inuu yahay Raxiim. Raxmaan se waa wax ka sarreeya heerka
Aadmiga (waa naxariisasho durba ah oo guud ahaaneed) oo waqti ku kooban oo uunka idil gaadha, caddaaladdu waa qayb ka
mid ah naxariistan.. Allaah wuxuu isku tilaamamay sidoo kale Raxiim oo ah naxariisasho joogto ah oo gaar ahaaneed oo u
naxariisto mu’miniinta, dambi dhaafka iyo ceeb asturidda waa qayb ka mid ah naxariistan.
2. Caaqil waa qofkii naftiisa xisaabiya oo u sii hormarsada camal wanaagsan geerida kaddib.
3. Kuwa ay Carada Ilaahay ku dhacday waa kuwo iyagoo u cilmi leh aan ku camal falin diinta ee diida xaqa, sida Yuhuudda iyo wixii
la mid ah, lunsanayashuna waa kuwo cilmi la’aan cibaadeysta iyagoo niyad san sida Kirishtaanka iyo wixii la mid ah.
) 2 (
J U S K A (1)
Suuradda 2 Al-Baqarah(1) (Saca)
Waa 286 Aaayadood Madaniyyah
Bismillaahir Raxmaanir Raxiim
1. Alif laam miim(2).
2. Kitaabkani, shaki kuma jiro, waa
u hanuun kuwa iska jira (xumaha).
3. Kuwa rumeysan waxa aan
muuqan ee qarsoon, oo hagaajiya
salaadda, oo wax ka bixiya waxa
aanu siinnay.
4. Oo (ah) kuwa rumeysan waxa laguu
soo waxyooday (Muxammadow),
iyo waxa la soo waxyoodayba
adiga hortaa(3), ee Aakhiro iyagu
yaqiinsan.
5. Kuwaa baa ku sugan hanuun
(toosan) xagga Rabbigood ah, oo
waa kuwaa liibaanayaasha.
1. Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: Ha ka yeelina guryahiinna Qubuuro ee ku akhriya Qur’aanka, ogaadana gurigii lagu akhriyo suuradda
Al-Baqarah ma soo galo shaydaan.” W.w. Muslim iyo Axmad.
2. Suuradaha Qur’aanka qaarkood waxay ku billowdaan xarfaha alifbeetada, sida alif laam miim, alif laam raa, iwm waxay ka
mid yihiin afar iyo toban xaraf oo ku billaabasho iyo furitaan ahaan ku soo arooray sagaal iyo labaatan suuuradood oo ku
jira Qur’aanka. Inkastoo siyaabo kala duwan loo fasiray. Waxaa la yiri xuruuftaas waa magacyada suuradaha, waxaa sidoo
kale la yiri waa baraarujin iyo soo jeedin ahaan dadka, waxaa kaloo la yiri, waa tilmaan in Qur’aanka uu ku soo degay afka
Carabiga ee ka kooban xarfaha alifbeetada sidaas oy tahay ma jiro cid la imaan karta isagoo kale oo keeni karta oo waa kitaab
mucjiz ah. Inkastoo siyaabahaas kala duwan loo fasiray, laakiinse dhabta waxaa weeye Allaah keliya baa u cilm u leh oo ogsoon
macaanidooda, oo og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo.
3. Kutubta la soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w hortiis waa Towraadda, Injiilka, Zabuurka iyo Suxuftii Iibraahiim (oo aan ahayn
qaab kitaab).
تبصرے
ابھی کوئی تبصرہ نہیں۔ سب سے پہلے کوئی مفید بات شیئر کریں۔
متعلقہ
QURAANIKA KARIIMKA Iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga
islamicmedia.tv
6 views · 5 months ago
ISLAAMKA ODHAAH KOOBAN OO UGA HADLAYSA ISLAAMKA, SIDA QUR'AANKA KARIIMKA IYO SUNADDA NABIGU-SALLALLA
islamicmedia.tv
7 views · 5 months ago
عظماء في التاريخ
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago
من أحكام صلاة المرأة في الحرمين
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago
البرنامج اليومي للمسلمة في شهر رمضان
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago
أحكام المرأة في الصلاة دراسة فقهية مقارنة
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago
توحيد الألوهية أساس الإسلام
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago
شرح رسالة القواعد الأربع
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago
توحيد الرب
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago
شرح خطبة الحاجة
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago