Kitaptan
Metnin ilk sayfaları. Tamamını okumak için yukarıdaki kitabı açın.
1
3
ABC-yada Islaamka
Islaamku wuxu na barayaa in dariiqa lagu gaadhayo nolosha
farxadda leh, lagu qanacsan yahay ee aan dhammaanayn ay
tahay in la rumeeyo Ilaahay Allaha Keliga ah ee Dhabta ah iyo
Rasuulkiisii ugu dambeeyay ee Muxammad.
Islaamku sidoo kale wuxuu noo sheegayaa in rumaysnaanta
Ilaahay iyo Nebiyadiisa oo keliya aysan ku filnayn in la helo
xasillooni maskaxeed, farxad, iyo badbaado! Waa inaan
fulinnaa doonista Ilaahay; innagoo caabudayna isaga oo
KALIYA, amarradiisana addeecayna, oo sameynayna camallo
wanaagsan.
Intaas waxaa sii dheer, Ilaahay wuxuu Quraanka kaaga
warramayaa cafiska, ajarka, iyo Jannada uu u diyaariyey
kuwa Ilaahay rumaystay, isaga kaligiisna caabuday oo camal
wanaagsan sameeyey:
"Laakiin kuwa rumeeyey oo camal wanaagsan falay
- kuwaas ayaa ah asxaabta Jannada; halkaas oo ay ku
waari doonaan weligood." (2:82)
"Ilaahay wuxuu u yaboohay kuwa rumeeyay oo camal
wanaagsan falay inay heli doonaan cafis iyo abaal
weyn." (5:9)
"Dhab ahaan, kuwa Alle rumeeyay oo camal wanaagsan
falay waxay heli doonaan Beerta Jannada oo hoy u noqon
doonta." (18:107)
5
Macnaha Islaamka
Macnaha Islaamka waa in loo hoggaansamo doonista
Allaah oo ah Ilaaha runta ah. Sidaas darteed, rumaysnaanta
Kelinimada Ilaahay (Tawxiid), caabudidda isaga kaligiis,
addeecidda amarradiisa, iyo u hoggaansamidda doonistiisa
waa aasaaska farriinta Ilaahay uu u soo diray dhammaan
Nebiyadiisa iyo Rasuulladiisa. Ereygan 'u hoggaansamid'
waa macnaha ereyga Carabiga ah ee “Islaam”.
Maadaama Nebiyada iyo Rasuullada Ilaahay dhammaantood
ay ku wacdiyi jireen (dadka) hal farriin oo isku mid ah;
diintooduna waa inay isku mid ahaataa!
Quraanka
wuxuu
xaqiijinayaa
in
“Islaamku”
(U
Hoggaansamidda Ilaahay) ay tahay diinta runta ah ee
Aadan iyo Xaawa iyo farcankoodii illaa Maalinta Qiyaamaha.
Quraanku wuxuu leeyahay:
"Dhab ahaan, diinta Ilaahay agtiisa waa Islaamka (u
hoggaansamidda Allaah)" (3:19)
"Dheh, dhab ahaan, hanuunka Allaah waa hanuunka
runta ah; waxaana nalagu amray inaan u hoggaansano
Rabbiga caalamka." (6:71)
"Haddaba ma diin kale oo aan ahayn ta Ilaahay (Islaam,
u hoggaansamidda Ilaahay) ayay rabaan? Waxaana u
hoggaansamay isaga waxa ku jira samooyinka iyo dhulka,
rabitaankooda ama rabitaankooda la’aan, xaggana isaga
waa loo soo celin doonaa.?" (3:83)
Yorumlar
Henüz yorum yok. Faydalı bir düşünceyi ilk paylaşan siz olun.
İlgili
ISLAAMKA ODHAAH KOOBAN OO UGA HADLAYSA ISLAAMKA, SIDA QUR'AANKA KARIIMKA IYO SUNADDA NABIGU-SALLALLA
islamicmedia.tv
7 views · 5 months ago
عظماء في التاريخ
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago
من أحكام صلاة المرأة في الحرمين
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago
البرنامج اليومي للمسلمة في شهر رمضان
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago
أحكام المرأة في الصلاة دراسة فقهية مقارنة
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago
توحيد الألوهية أساس الإسلام
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago
شرح رسالة القواعد الأربع
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago
توحيد الرب
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago
شرح خطبة الحاجة
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago
إِلاَّ لِيَعْبُدُونِ - كيف يوحد القرآن وجهة الإنسان؟
islamicmedia.tv
1 view · 8 hours ago